VIDEO-Somaliland oo Weerar Ku Qaaday Puntland,”Somalia Nabad Bay Rabtaa Maamulka Puntland ee Leh Dhulbaa Naga Maqana..”

Puntlandnews.net (Garoowe)-Maamulka Somaliland ayaa markale dab kusii shiday xiisadda ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag kadib markii uu weerar afka ah ku soo qaaday dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu nabad diyaar u yahay isla markaana ciidankiisu uusan cidna duulaan ku ahayn ee ay joogaan dhulkoodii sida uu hadalka u dhigay taliska Hargeysa.

Mid kamid ah golaha wakiilada Somaliland oo u hanjabayey Puntland ayaa sheegay in xilligaan ay Soomaaliya nabad u baahan tahay isla markaana ay Puntland uga digayaan inay dagaal lagasho maamulkaasi.

DAAWO

Source: News