VIDEO-Kulan Xasaasi ah oo Af-urur Ku Dhexmaray Axmed Karaash iyo Taliska Ciidanka iyo Qodobada Laysku Raacay.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay waxxa uu booqasho rasmi ah ku tegey deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ay masuuliyiin dowladda katirsan weheliyeen ayaa waxa uu deegaanka kala kulmay soo dhoweyn diiran saacado uun kadib markii laga saaray rag katirsan kooxda Alshabaab.

Ugu horayn waxa uu warbixino ka dhegaystey saraakiisha hogaaminaysa ciidamada ku sugan Af-urur si uu ugu kuurgalo shaqada ay hayaan, baahiyaha ay qabaan iyo caqabadaha ka hortaagan soo afjaridda Alshabaabka ka dagaalamay buuraleeyda Galgala.

Dhanka kalena waxa uu ciidanka ugu mahadceliyey sida ay naftooda ugu hureen dalka waxaana uu u balanqaaday in xukuumadda cusub ay waxbadan ka qaban doonto baahiyaha ay qabaan gaar ahaan dhanka helitaanka mushaharka oo ay marar badan ka cawdeen.

DAAWO MUUQAAL

Source: News