DAAWO-Boqor Buur-madaw oo Laga Taageeray Ceerigaabo iyo Deegaamada Hoosyimaada & Farriin Ku Socota Muuse Biixi.

Puntlandnews.net (Badhan)-Xukuumadda Somaliland ayaa dhowaan ku dhawaaqday war ka dhan ah shir uu magaalada Burco kaga dhawaaqay boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo kamid ah isimada Somaliland.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa sheegtay inaysan taabacsanayn shirka uu boqorku sheegay inay Burco ku qabsan doonaan beelaha Gar-xejis iyo Habar-jeclo uusanna xilligaan ku habboonayn Somaliland.

Haddaba bulshada iyo masuuliyiinta degmooyinka Darar-weyne iyo Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa ka horyimid go’aanka maamulka Somaliland gaar ahaan xukuumadda iyagoona taageeray shirkaasi.

Mas’uuliyiinta degmooyinkaasi iyo qaar kamid ah bulshada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen inaty taageersan yihiin shirka boqorku ku dhawaaqay haddii la joojiyana Somaliland ka qoomamayn doonto.

DAAWO

Source: News