DEG DEG: B/weyne Oo Kala Xiran

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan ay kala xiran tahay magaalada, xaaladuna ay tahay mid kacsan.

Sidey soo sheegayaan wariyeyaasheenna, magaalada waxaan ka jirin isku socodka gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga.

Dad isku soo baxay ayaa waxay taayero ku gubayaan waddooyinka B/weyne, iyadoo la ogeyn sidey xaaladdu ku dambeyn doonto.

Magaalada B/weyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source: News