Cayaaraha

Chelsea oo guul muhiim ah ka soo gaartay kooxda Tottenham oo ay booqatay kulankii adkaa ee London Derby…+SAWIRRO

(London) 22 Dis 2019. Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay kulankii London Derby, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2 kulankoodii 18-aad ee horyaalka Premier League dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daiiqadii 12-aad Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Willian, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mateo Kovacic.

Daqiiqadii 45-aad Chelsea ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Willian oo dheesha ka dhigay 0-2.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 ay ku adkaatay kooxda Chelsea oo marti u aheyd dhigeeda Tottenham Hotspur kulankii adkaa ee London Derby.

SAWIRRO:

Gool FM.

Related Posts