DDS

Dhalinyaro lagu tuhusan yahay inay amni daro wadeen oo la qab qabtey.

Taliyayaasha ciidamada amaanka ee DDS, oo maanta la hadley SRTV, ayaa sheegay in hawlgalo ay ciidamada amaanku si wada jir ah oo uga fuliyeen xaafado ka mid ah caasimada deegaanka somaalida ee Jigjiga, lagu soo xidhay xidhay 480 dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin kooxaha abaabulan ee loo yaqaano jayna guruubka, ku waas oo falal amni darro ah ka waday qayb ka mid ah caasimada, gaar ahaan xiliyada habeenkii.
Gaashaanle sare Deeq Carab Ibraahim madaxa dambi ka hortaga ciidanka booliska DDS, ayaa u xaqiijiyay SRTV, inay ciidamadu ka duulayeen xog buuxda oo ay hayeen markii ay qaadayeen hawlgalkan, waxaa uu Gaashaanluhu inta ku daray, in dhalinta la soo xidhay badankoodu ay ahaayeen kuwo marar hore oo kala gadisan la soo xidhay arintan kooxaysiga ah, waxaa uuna sii raaciyay, in badhitaan dheeriya lagu samayn doono dhalintan la soo qabqabtay hawlgalkuna uu sii socon doono.waxaana xusid mudan in dhalinyaradan loo gudbiyay Magaalada Godey,halkaas lagu siin doono dhaqancelin.
Geesta kale laamaha ammaanka ayaa sheegay inay ku daba jiraan goobaha lagu gado xashiishada ee magaalooyinka waaweyn,taaasoo kamid ah dhibaatooyinka waayadan dambe kusoo kordhay magaalooyinka.

Related Posts