Waxaa la joojiyay duulimaadyadii aadi lahaa ama ka iman lahaa dalalka kala ah Austria, Portugal, Sweden, Czech Republic, Ukraine, Germany, Netherlands, Switzerland iyo Turkey.
Arrintan ayaa timid markii wasaaradda caafimaadka ee Marooko ogaatay 21 kiis oo ah nooca cusub ee Karoona Fayras.
Dalka Marooko waxaa hore looga joojiyay duulimaadyada ka yimaada dalalka kala ah Koonfur Afrika, Denmark, Britain, Australia, Brazil, New Zealand iyo Ireland.