Soomaaliya

Gobolka Banaadir oo xaflad u sameeyay Naadiga Ciyaartooyda Dowladda Hoose ee ku sii jeeda Garowe

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo safar Isboorti ugu Amba-baxaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Munaasabad kooban oo muqdisho lagu qabatay ayaa waxa ka qeeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maxamed Axmed Cantoobo, Afhayeenka Gobolka, La-taliyeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir .

Munaasabaddaasi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka socday Madaxtooyada Qaranka,waxayna u rajeeyeen  Cayaartoyda iyo Madaxda naadigaba guul kulamada ay la   cayaari doonaan  naadiyada ka dhisan Puntland.

 

Related Posts