Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Dhagax dhigay dhismah xarunta Taariikhiga ah Ex-Baarlamaan oo ku yaalla Degmada Boondheere.

Ujeedka Dhagax dhigga ayaa ah mid ay Dowlada hoose ee Xamar ay ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntani si Bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan Taariikhda ay goobtani leedahay, maaddaama xarun u ahayd Barlamaankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee 1960.

Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda.

Related Posts