Cayaaraha

Heegan oo guul ka gaartay Kooxda Jazeero kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 16 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa galabta guul ka gaartay naadiga Jazeero Sports Club, Kadib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaa u soo daawasho tagay taageerayaal faro badan oo kala taageersan labada kooxood.

Kooxda Heegan waxay goolasha ka heshay xidigaheeda kala ah Feysal iyo Kuukay.

Halka kooxda JAZEERA sports Club goolka madiga ah ay kulankan ka dhalisay ay ka heshay xidigeeda Emanaayo Victor.

Ugu dambeyntiina ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooxda kubadda cagta ee Heegan.

Si kastaba kooxda Heegan ayaa iminka leh 7 dhibcood,  kaddib 4-kulan ay ka ciyaartay horyaalka Somali Premier League sanad ciyaareedkan.

Gool FM.

Related Posts