DDS

Hogaanka booliska DDS oo tababar u socday loo soo gabagabeeyey.

Hogaaminta booliska deegaanka soomalida ayaa loo soo gabagabeeyay tababar muddo shan maalmood ah u socday, kaasi oo intii uu socday hogaaminta booliska ku qaadanayeen casharo la xidhiidha, Ilaalinta xuquuqul iinsaanka, doorka la jaanqaadka booliska isbadalka dalka ka hana qaaday, Kobcinta garaadka aqooneed ee sharciga iyo awooda fulineed ee hogaaminta booliska DDS.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkan ka soo qaybgalay hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDS mudane Cabdicaadil Xasan oo ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDS ugu jirto taabagalinta nabadgalyo waarta iyo dimuqoraadiyad buuxa. Hogaanka ayaa sheegay in ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarku ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa hogaaminta ciidanka booliska DDS Xuquuqaha Aadamaha, Isticmaalka Awooda, Kobcinta garaadka Aqooneed ee Anshax Xirfadeed, fahanka Isbadalka ka hana qaaday dalka, Nidaam siyaasadeedka Faderalismka, Caqabadaha & Xalka, Nidaamka ka qayb galinta Bulahada iyo ka hortaga Dambiga

Related Posts