Cayaaraha

Kaddib Hakim Ziyech oo ku soo jeeda Chelsea miyuu Willian sii joogayaa garoonka Stamford Bridge?

(London) 15 Feb 2020. Waxaa su’aal la iska weydiiyey haddii Willian uu sii joogayo Chelsea, maadaama uu Hakim Ziyech uu ku soo jeedo kooxda ka dhisan galbeedka Magaalada London.

Willian ayaa doonaya inu sii joogo kooxda Chelsea inkastoo uu Hakim Ziyech ku soo wajahan yahay garoonka Stamford Bridge.

Jariiradda The Independent ayaa warinaysa in Willian uu baaqi ku sii ahaan doono kooxda Chelsea, inkasoo uu naadiga ku soo jeedo Hakim Ziyech oo kaga soo biira Kooxda Ajax.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay bisha June, laakiin waxa uu doonayaa inuu saxiixo heshiis cusub oo saddex sanadood ah.

Willian ayaa waayi kara booskiisa joogtada ah ee safka Kooxda Chelsea marka uu Ziyech garoonka Stamford Bridge kula midoobo asxaabtiisa cusub xagaagan.

Gool FM.

Related Posts