Cayaaraha

Kooxda Chelsea oo bartilmaameedsanaysa saddex ciyaaryahan suuqa xagaaga & Lampard oo dhisme weyn la damacsan Blues

(London) 15 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay saddex ciyaaryahan bartilmaameedsanayso suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror macallin Frank Lampard ayaa eegaya inuu shaxdiisa ku soo darsado suuqa xagaaga saddexda ciyaaryahan ee Jadon Sancho, Jude Bellingham iyo Moussa Dembele.

Goordhow ayay Kooxda Ajax kala soo qaateen Hakim Ziyech, Blues ayaana lagu soo waramayaa inay isha ku hayso inay sii xoojiso weerarka, waxaana ay u aqoonsadeen laacibka Lyon ee Dembele iyo kan Borussia Dortmund ee Sancho inay yihiin xiddigaha ugu fiican ee ay keeni karaan.

Lampard ayaa sidoo kale isha ku haya da’yarka Birmingham City ee Bellingham, kaasoo sidoo kale ay doonayaan kooxda ay Chelsea xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Manchester United.

Gool FM.

Related Posts