Cayaaraha

Liverpool oo guul ka heshay kooxda Watford oo marti ugu aheyd garoonka Anfield…+SAWIRRO

(Liverpool) 14 Dis 2019. Liverpool ayaa guul ka heshay kooxda Watford oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 38-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Maxamed Saalax, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Senegal ee Sadio Mane.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad Maxamed Saalax ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool, waxaana caawinta goolkan lahaa Divock Origi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Watford oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.

SAWIRRO:

Gool FM.

Related Posts