DDS

Madax weynaha DDS oo maanta booqdey xarunta laanta jinsiyadaha iyo socdaalka.

Mudooyinka danbaba waxaa jiray
cabashooyin badan  laga soo sheegayo
adeeg bixinta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, gaar ahaan  xarunta ay ku leedahay magaalada Jigjiga.

Taas oo dadka  u doonta xarunta baasa boorka  ay sheeganayeen rafaad iyo adeeg xumo inay
kala kulmaan meeshaas.

Hadaba madaxwaynaha deegaanka
Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo ka duulaya xaqiijinta arintaas, iyo
waxa ka jira ayaa wuxuu soo booqday xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyaduhu ku
leedahay magaalada jigjiga,madaxwaynahah ayaa markuu soo gaadhay xaruntan wuxuu
ugu horayn si gaara ula kulmay kana xog wareystay adeeg bixintu sida ay tahay
bulshada adeega u soo doonatay xaruntan oo hor dhoobnaa afaafka hore ee xarunta
iyaga oona madaxwaynaha si faah faahsan ugu sheegey waxyaabaha ay xaruntan kala
kulmaan wakhtiyada adeeg bixinta ay u soo doontaan.

Madaxwaynaha ayaa ka dib markuu
dhagaystey waxyaabahay shacabku u sheegeen wuxuu la kulmay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta
laanta socdaalka iyo jinsiyadaha isaga oona u kuur galay meelaha uu ka jiro
adeeg xumadu.

Waxay shaqaalaha xarunta socdaalka
iyo jinsiyaduhu madaxwaynaha u sheegeen in caqabadaha ugu badan ee haysta ay ka
mid yihiin goobta ay ku shaqeeyaan oo ku yar shaqaalaha iyo qalabka ay ku
shaqeeyaan oo yar isla markaana aan dabooli karin baahida bulshada

Ugu danbayna madaxwaynaha ayaa markuu
xaqiijiyay caqabadaha xarunta ka jira wuxuu sheegay in xukuumadu go’aan rasmi
ah oo wax ka badala adeeg bixinta xaruntan laga soo saari doono mudo yar kadib.

Related Posts