Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray cutub ka mid ah Daraawiishta Galmudug+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye ayaa Maanta Tababar usoo xiray cutub ka mid ah Daraawiishta Galmudug Oo mudo dhowr Bilood ah tababar ku qaadanayay Xerada Indha-Qaris Oo Ku taala Duleedka Gaalkacyo.

Munaasabadaan ayaa madaxwaynuhu ku dalacsiiyey Saraakiil Ka mid ah Ciidankii dhammeystay Tababarka, iyadoona madaxweynuhu Ku Dhiiri Geliyay horumarka ay Sameeyay Muddadii tababarka qaadanayeen.

Cutubkaan Tababarka maanta loo soo xiray ayaa noqonaya Ciidankii Ugu Horeeyay Daraawishta ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Related Posts