Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u mahad-celiyay Maamuladii iyo dadkii ka qeyb qaatay Gargaarka Beled-weyne “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-Xiggeenka Maamulkaasi Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf qiimo badan ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socday Maamulka Puntland, Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabadi Umal.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sh Cusmaan Barre iyo Gudoomiye Ku-Xiggeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u Mahad celiyay dhammaan dadka Soomaliyeed oo si aan kala har lahayn ugu gurmaday dadka reer Beled-weyne oo ay saameeyeen fatahaadii wabiga Shabeelle.

“Waxaan u mahad-celinayaa wafdiga ka socda Puntland oo dadaal xoog leh muujiyay iyo weliba Sheekh Maxamed Uma loo safar dheer u soo galay siddii wax loogu qaban lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen iyo weliba dhakhaatiir ka timid Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Kumanaan ruux oo ka barakacay magaaladda Beled-weyne ayaa bilaabay inay haatan dib ugu soo laabtaan guryahooda, kadib markii ay yaraadeen biyihii fatahaadaha iyo roobabka isbiirsaday ka dhashay.

 

 

Related Posts