DDS

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo saaka booqasho ku maraya Degmooyinka koonfurta Jigjiga iyo Gursum.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa booqasho ku tagay Qabaleeyo ka tirsan degmooyinka koonfurta Jigjiga iyo Gursum.Wuxuuna madxwaynuhu goor dhaweyd gaadhay tuulada Dhakaayu oo la tirsan degmada Gursum ,Oo uu ka dhagax dhigay xarun caafimaad oo dhismaheeda sanadkan la bilaabayo oo ay ku baxayso lacag dhan 10 Milyan oo birr.

Waana jawaaab xukuumadu ka bixisay codsi shacabka tuuladani ay ka codsadeen madaxwaynaha xili uu booqasho ku maray tuuladan.

Dhagax mashruuca xarunta caafimaadka kadib,waxa uu madaxwaynuhu kulan la qaatay shacabka tuuladani oo madaxwaynaha uga mahad celiyay ka jawaaabida codsigooda iyaga oona mar kale codsaday baahiyaha kale ee dhiman ee u baahan wax looga qabto.Dr mukhtaar yusuf wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaaddka DDS oo waftigan madaxwaynuhu uu hogaaminayo qayb ka ahaa ayaa shacabka reer Dhakaayu ka wacyi galiyay halista cudurka karona iyo tabaha la iskaga ilaalin karo oo uu sharaxaad ka siiyay.Madaxwaynaha ayaa isna sidoo kale hadallo uu soo jeediyay ka wacyi galiyay halista cudurka karoona,waxa uuna kula dardaarmay,inay nadaafada ku dadaalaan.

Related Posts