Soomaaliya

Madaxweyne Waare oo Dowladda Qadar kala hadlay Mashaariic laga fulinayo Hirshabeelle

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed.

Kulankan oo aad muhiim u ahaa ayaa looga hadlay dardargelinta mashruuca dhismaha Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay maalgelineyso Dawladda Qatar.

Masuuliyiinta ayaa iyo kale ka wada hadlay fulinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono degaannada Hirshabeelle.

Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed, ayaa sidoo kale dhowaan kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda maamul Goboleedyada Dalka, isagoo kala sheekeystay Mashaariicda ay Dowladdiisa ka waddo Gobollada Soomaaliya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.

Related Posts