Soomaaliya

Madaxweyne Xaaf oo taageeray Guddiga dhismaha maamul Goboleedka Galmudug

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa soo dhoweeyay Guddiga farsamada dhismaha Galmudug loo dhan yahay, isagoo ku baaqay in la taageero.

Mudane; Xaaf ayaa qoraal kasoo abaxay Xafiiskiisa ku sheegay in uu la shaqayn doono Guddigan oo ay Magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo howl-wadeennada ugu baaqay in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo caddaalad ayna ka fogaadaan wax walba oo keeni kara shaki.

Related Posts