Cayaaraha

Man City iyo Arsenal oo taako loo dhigay & guud ahaan natiijooyinka kulamadii kale ee laga ciyaaray Premier League… +SAWIRRO

(England) 18 Jan 2020. Kooxaha Manchester City iyo Crystal Palace ayaa dhibcaha ku kala qaatay garoonka Etihad Stadium, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Crystal Palace.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay ciyaaryahanka lagu magacaabo Cenk Tosun, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gary Cahill.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 82-aad Man City ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Sergio Aguero, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gabriel Jesus.

Markale daqiiqadii 87-aad Man City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay isla weeraryahanka Argantina ee Sergio Aguero.

Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda Crystal Palace ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana iska dhaliyay Fernandinho, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-2.

Ugu dambeyna dheesha ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ay isku dhaafiwaayeen labada kooxood  Man City iyo Crystal Palace.

Dhinaca kale natiijooyinkii kale kulamadii laga ciyaaray horyaalka Premier League ayaa waxay u dhaceen sida tan.

Arsenal 1 – 1 Sheffield United

Brighton & Hove Albion 1 – 1 Aston Villa

Manchester City 2 – 2 Crystal Palace

Norwich City 1 – 0 AFC Bournemouth

Southampton 2 – 3 Wolverhampton Wanderers

West Ham United 1 – 1 Everton.

SAWIRRO:

Wilfried Zaha of Crystal Palace celebrates with teammates after Fernandinho of Manchester City scored an own-goal

Fernandinho of Manchester City scores an own-goal which results in the second goal for Crystal Palace on Saturday

Sergio Aguero thought he had won the match for Manchester City with two late goals but Fernandinho scored an own goal

Aguero scored what he thought was the winner for the champions as he headed home with three minutes of normal time left

Aguero celebrated in front of his City supporters with Crystal Palace defenders spotted with their hands on their knees

Aguero gave Manchester City a lifeline with eight minutes to go as he poked the ball home at the Etihad Stadium on Saturday

Aguero punched the air in front of the City supporters as his side rushed to the halfway line to get the game restarted

Cenk Tosun shocks Manchester City in the first half at the Etihad with a goal on his first start for Crystal Palace on Saturday

Tosun wheels away in celebration having broken the deadlock from a corner which Gary Cahill got the assist for

Gool FM.

Related Posts