Cayaaraha

Manchester City oo guul soo laabasho ah ka soo gaartay Real Madrid kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UCL… + SAWIRRO

(Madrid) 27 Feb 2020. Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaartay Real Madrid kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Isco, waxaana goolkan ka caawiyay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior.

Laakiin daqiiqadii 78-aad kooxda Manchester City ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, waxaana goolkan ka caawiyay Kevin De Bruyne.

Daqiiqadii 83-aad kooxda Manchester City ayaa heshay gool ku laad, waxaana gool u badelay Kevin De Bruyne, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2 ay ku hoggaamineysay Skay Blues.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay Manchester City oo marti ugu aheyd Real Madrid garoonka Santiago Bernabeu.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Related Posts