Soomaaliya

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo soo bandhigay shaqaale iyo gaari kuwa gurmadka deg dega ah “SAWIRRO”

Gaalkacyo (SONNA) – Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa dadaallo xooggan ku bixiyay sidii Gaalkacyo ay u heli lahayd Gaadiidka dab damiska oo ay baahi weyn u qabeen dadka magaaladaasi.

Maanta ayay soo bandhigeen Gaari Dab damis ah iyo shaqaale loo carbiyay Gurmadka Deg Dega ah, kuwaas oo maamulku uu diyaariyay.

Marar badan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka kacay dab khasaare hantiyadeed gaarsiiyay Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh magaalada.

 

 

Related Posts