Cayaaraha

Mid ka mid ah daafacyada Kooxda Barcelona oo ogolaaday inuu ka tago Garoonka Camp Nou

(Barcelona) 02 Agoosto 2021. Mid ka mid ah daafacyada Kooxda Barcelona ayaa la soo warinayaa inuu ogolaaday inuu isaga tago garoonka Camp Nou oo ay ku ciyaarto Barca.

Wargeyska SPORT ee ka soo baxa Spain ayaa warinaya Samuel Umtiti uu ogolaaday inuu heshiis amaah ah uga tago Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee 27-sano jirkaan, waxa uu sharraxay inuu doonayo inuu ku biiro koox heer sare ah, isla markaana uu lahaado go’aanka ugu dambeeya ee meesha uu ku sii jeedo.

Barca ayaa doonaysa inay iska dirto Umtiti iyo xiddigo kale oo kooxda koowaad ah, iyagoo isku dayaya inay yareeyaan lacagaha kaga baxa mushaharka ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Related Posts