Cayaaraha

Mid ka mid ah haddiyadihii uu Sergio Aguero siiyay shaqaalaha Man City oo suuqa la soo dhigay… (Immisa ayaa lagu kala iibsanayaa?)

(Manchester) 10 Juun 2021. Xiddiga ay Barcelona la sii saxiixatay ee Sergio Aguero ayaa haddiyado isugu jira gawaari, saacado iyo agab kale guddoonsiiyay shaqaalaha kala duwan ee kooxda Manchester City kahor inta uusan ka soo duulin magaalada Manchester.

Waxaa haatan lagu soo warramayaa in gaari uu haddiyad ku bixiyay Aguero lasoo dhigay suuqa online-ka ee eBay iyadoo lagu doonayo lacag dhan 23,000 oo gini.

Ally and his wife Nicky have listed the motor on eBay and are donating five per cent to Derian House Children’s Hospice in Chorley, Lancs

Laacibka reer Argentina ayaa ninka isku agaasimaha labiska Man City ee Ally Marland siiyay gaari noociisu yahay 2016 Range Rover Evoque si uugu mahad celiyo muddadii ay soo wada shaqeeyeen.

Nicky said: 'We are aware of the work they do and how they rely on donations to operate'

Balse Ally oo Etihad ka shaqeynayay tan iyo 2012 iyo xaaskiisa Nicky ayaa sheegay inay heystaan gawaari ku filn sidaas darteedna ay midka uu siiyay Aguero iska iibinayaan.

Gool FM.

Related Posts