Cayaaraha

Paris Saint-Germain oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddig ka tirsan Kooxda Chelsea

(Paris) 28 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee ka dhisan Waddanka Faransiiska ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa laacib ka tirsan Chelsea.

Kooxda haysata horyaalnimada Faransiiska ayaa doonaysa inay la saxiixato xiddiga naadiga reer London ee Jorginho, waxaana haatan la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Jariiradda Telefoot ayaa warinaysa in Paris Saint-Germain ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea, Jorginho.

Xiddiga xulka qaranka Talyaaniga ayaa la hadal hayey inuu u dhaqaaqi doono Arsenal, sidoo kale waxaa la la xiriirinayey Juventus, laakiin haatan waxa uu ku dambayn karaa inuu u dhaqaaqo Waddanka Faransiiska.

Gool FM.

Related Posts