(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa lagu guddoonsiiyey Lionel Messi abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2019.
Waxay ahayd markii 64-aad oo abaal-marintan la bixiyo, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii.
Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markiisii lixaad caawa ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.
Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa abaal-marintan Ballon d’Or waxa uu horay ugu guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.
Lionel Messi is the 2019 #ballondor winner
pic.twitter.com/5nNZXl05vY
— #BallondOr (@francefootball) December 2, 2019
Gool FM.