Cayaaraha

RASMI: Matthijs de Ligt oo ku guuleystay abaal-marinta Kopa Trophy ee da’yarka ugu fiican Sanadka

(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa ka socda xafladda lagu bixinayo abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or , waxaana haatan Matthijs de Ligt lagu guddoonsiiyey abaal-marinta Kopa Trophy 2019 ee da’yarka ugu fiican Adduunka.

Waxa uu Daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt abaal-marintan Kopa Trophy ku garaacay xiddigaha Jadon Sancho iyo João Félix, waxaana guddoonsiiyey Kylian Mbappé.

Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka abaal-marinta da’yarka ugu fiican, halka booska saddexaad uu ka soo muuqday João Félix.

Gool FM.

Related Posts