Cayaaraha

RASMI: Tababaraha ku guulestay abaal-marinta macallinka bisha October ee Premier League oo la shaaciyey

(England) 08 Nof 2019. Waxaa lagu dhawaaqay tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee October horyaalka Premier League.

Tababaraha reer England iyo kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa loo magacaabay macalinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee October.

Frank Lampard ayaa ku guuleysatay abaal-marintan kaddib markii uu kooxdiisa Chelsea ku hogaamiyay inay guuleysato saddex kulan bishii la soo dhaafay ee October.

Tababare Frank Lampard ayaa abaal-marintan ku garaacay macalimiin ay ka mid yihiin Jurgen Klopp (Liverpool), Brendan Rodger (Leicester City) iyo Dean Smith (Aston Villa).

Gool FM.

Related Posts