Cayaaraha

Real Madrid oo go’aamisay xilliga kama dambeysta ah uu Ramos ka soo laaban karo dhaawaca uu qabo

(Madrid) 23 Feb 2021. Wargayska “AS” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday taariikhda ay Real Madrid u dejisay soo laabashada kabtan Sergio Ramos si uu uga qayb galo kulamada kadib markii uu si buuxda uga soo kabsaday dhaawaca uu haatan kaga maqnaa garoomada.

Ramos ayaa qarka u saarnaa inuu dib ugu soo laabto safka kooxda Real Madrid labo todobaad ka hor, laakiin ciyaaryahanka ayaa la kulmay dib u dhac cusub oo ku qasbay in qalliin looga sameeyo carjawda jilibka, maqnaanshihiisa ayaa lagu qiyaasay hal iyo bar ilaa laba bilood.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Ramos la go’aamiyay xilliga uu ku soo laaban doono safka kooxda Real Madrid taas oo noqon doonta 13-ka bisha soo socota ee Maarso, gaar ahaan kulanka ay kooxda Elche kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in haddii qorshaha Real Madrid iyo Ramos aysan ku soo bixin wax layaab leh, inuu qeyb ka noqon doono kulanka lugta labaad ay kula ciyaari doonaan Atalanta wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaasoo la ciyaari doono 16-ka isla bishaas Maarso.

Waxay u muuqataa wax la hubo in Ramos uusan awoodi doonin inuu ka qeyb galo kulanka Madrid Derby ee ay la ciyaarayaan Atlético Madrid 7-da bisha Maarso, kaddib markii ay dhakhaatiirta sheegeen in ka qeyb galkiisa kulankan ay tahay mid aad u adag.

Gool FM.

Related Posts