Cayaaraha

SAWIRRO: Ibrahimovic oo matali lahaa Bosnia, Alisson oo u ciyaari lahaa Jarmalka & Xiddigaha waa weyn ee K/cagta xulalka ay ka tirsanaan lahaayeen haddii ay dooran lahaayeen dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan!

(Yurub) 26 Mar 2020. Waxaa jira xiddigo caan ah oo ciyaara kubadda cagta, kuwaasoo matala waddamo aysan asal ahaan kasoo jeedin.

Qaaradda Yurub ayaa lagu tiriyaa mid waddamadeeda ay inta badan u helaan ciyaartoy aan asal-dhalad ahayn, kuwaasoo ku matala xulalkaas fagaarayaasha kala duwan ee ciyaarta kubadda cagta.

Warbixintan kooban waxaan ku falanqeyn doonnaa dhowr ciyaartoy oo hadda u ciyaara waddamo aysan asal ahaan ka soo jeedin.

Karim Benzema waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee xulalkooda asalka ah aanan u ciyaarin, inkastoo hadda xiriirka kubadda cagta Faransiiska ay ka mamnuuceen inuu markale u safto Les Bleus.

Raheem Sterling, Kylian Mbappe, Zlatan Ibrahimovic iyo xiddigo kale oo uu ka mid yahay Romelu Lukaku ayaa sheekadan ay taabanaysaa.

Xogtan ma’ahan xiddigaha asal ahaan aanan u ciyaarin waddamadii ay asalkooda ka soo jeedeen, waa tiro kooban oo ku abtirsada waddamo aan ahayn kuwa hadda kubadda cagta ay ku matalaan iyo haddii ay u ciyaari lahayn xilligan marxaladda ay iyaga ama xulalkooda joogi lahaayeen.

1- Alisson Becker

Goolhayahan ayaa hadda kubadda cagta ku matala qaranka Brazil, isagoo heysta dhalashada dalkaas, hase ahaatee, qoyskiisa asal ahaan waxay ka soo jeedaan dalka Jarmalka.

Aabbihii iyo ayeeyadii waxay ugu hadlaan luuqadda Jarmalka si caadi ah, markii uu ku sugnaa kooxda AS Roma waxaa naaneys u ahayd “Jarmalka”.

Haddii uu qaranka Jarmalka u ciyaari lahaa waxa uu loollan dhanka booska ah la geli lahaa goolhayeyaasha aan la kala doorran karin ee Manuel Neuer iyo Marc-Andre Ter Stegen.

2 – Zlatan Ibrahimovic

03 Bishii October sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay magaalada Malmo ee dalka Sweden, balse waxaa iska dhalay Aabbe Bosnian ah iyo hooyo ka soo jeedda Croatia.

Xirfaddiisa kubadda cagta waxa uu ku matalay qaranka Sweden isagoo ah halyeyga waddankaas.

Weeraryahanka Milan ayaa hadda isaga fariistay ciyaaraha heerka caalami, balse uma uusan ciyaari dalka uu asal ahaan ku abtirsado ee Bosnia.

3 – Karim Benzema

Hafid Benzema iyo Wahida Djebbara ayaa iska dhalay, waxaana ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Algeria.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa kubadda cagta ku matalay xulka qaranka Faransiiska, maadaama uu ku dhashay magaalada Lyon ee dalkaas.

Haddii uu matali lahaa xulka Algeria oo ah dalka uu ku abtirsado, asal ahaanna uu ka soo jeedo, waxa uu ku guuleysan lahaa koobka qaramada qaaradda Afrika ee AFCON 2019.

4 – Romelu Lukaku

Lukaku ayaa ku dhashay magaalada Antwerp ee dalka Belgium, Aabbihii Roger Lukaku ayaa sidoo kale ahaa ciyaaryahan kubadda cagta ciyaara, waxaana uu matalay xulka Zaire oo hadda loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Tiro ciyaartoy ah oo aan asal ahaan ka soo jeedin dalka Belgium ayaa xulkaas matala, waxaana Lukaku uu ka mid yahay xiddigahaas, balse waxa uu ku abtirsadaa dalka Congo ee dhaca qaaradda Afrika.

5 – Virgil van Dijk

Difaaca Liverpool ayaa ka soo jeeda dalka Netherlands, balse waxaa jira in faraciisa shishe uu galo Suriname (waddan yar oo ku yaalla xeebta woqooyi-bari ee koonfurta America).

Waxa uu ku barbaaray Holland oo ah dalka uu ku dhashay, isagoona kubadda cagta hadda ku matala xulka Orange lagu naaneyso, balse waxa uu leeyahay dhalasho labaad oo ah Suriname.

6 – Kylian Mbappe

Weeraryahanka Paris Saint-Germain  ayaa ku dhashay caasimadda Faransiiska ee Paris, waxaase iska dhalay Wilfred Mbappe oo ka soo jeeda Cameroon iyo Fayza Lamari oo ka soo jeedda dalka Algeria.

Aabbihii waa macallin kubadda cagta ah, sidoo kalena isaga ayuu wakiil u yahay, halka hooyadii ay kubadda gacanta ciyaari jirtay.

Abtirsiimada laacibkan ayaa galaysa qaaradda Afrika, balse waxa uu kubadda cagta go’aansaday inuu ku matalo dalka uu ku dhashay ee France.

7 – Raheem Sterling

Sterling waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan ee aan xulalkooda asalka ah u ciyaarin, waxaana uu kubadda cagta ku matalaa xulka qaranka England.

Laacibkan ayaa ku dhashay magaalada Kingstone ee dalka Jamaica, isagoo asal ahaan ka soo jeeda dalkaas.

Safarkii isagoo yar uu ku yimid carriga Ingiriiska ayaa sabab u noqotay in xulka saddexda libaax uu kala qayb galo tartamo waa weyn oo kubadda cagta ah, waxaana laga xusi karaa koobkii adduunka ee 2018 oo uu xulkiisa la gaaray nus-dhammaadka tartankaas.

8 – Jorginho

Jorge Luiz Frello Filho oo si fudud loogu garan og yahay Jorginho ayaa ka soo jeeda dalka Brazil, isagoo ku dhashay magaalada Imbituba ee dalkaas.

Marka laga soo tago inuu isaga oo 15-jir ah yimid dalka Taliyaaniga, waxa uu leeyahay abtirsiimo dalka Taliyaaniga ah, maadaama awooweyaashiisa ay ka soo jeedaan.

Waxa uu hadda u ciyaaraa qaranka Azzuri.

9 – N’Golo Kante

Burburiyaha dhoolla-caddeynta ku caan baxay ee kooxda Chelsea ayaa ku dhashay caasimadda Faransiiska ee Paris, balse waxaa iska dhalay qoys ka soo qaxay dalka dhaca galbeedka Afrika ee Mali.

Waxa uu ku barbaaray France, welina waxa uu kubadda cagta ku matalaa xulka qaranka Faransiiska.

U ciyaaristiisa xulka lagu naanayso Les Bleus waxay siisay inuu ku guuleysto Koobka Adduunka oo sanaddii 2018 uu la qaaday.

Gool FM.

Related Posts