Cayaaraha

Sidee ayey u muuqan doontaa shaxda Manchester United haddii lagu daro Kalidou Koulibaly?

(Manchester) 16 Jan 2020. Manchester United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly, sidoo kale waxa ay kooxda ku raad joogtaa dhowr xiddig oo ay kusoo xoojin karaan safkooxda suuq yadda bilaha janaayo iyo june

Mancehester  United ayaa waxay diyaar u tahay inay bixiso lacag dhan 64 milyan ginni si ay u helaan adeega xiddiga ku wanaagsan ka ciyaarista daafaca dhexe suuqa xagaaga.

In kasta oo wax badan ay iska beddeli karaan sida hadda la qorsheynayo inta lagu gudajiro qeybta labaad ee xilli ciyaareedka, taageerayaal badan oo United ah ayaa u arka in saxiixa difaacan ay wax badan kooxda u baahi qabto .

Imaatinka Koulibaly ayaa sidoo kale sahlaysa culeyska saaran Victor Lindelof iyo Harry Maguire, kuwaasoo inta badan xilli ciyaareedkan ku qaatay labada boos ee khadka dhexe ee difaaaca kooxdan taariikhiga ah.

Si kastaba ha noqotee macalin Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan helaya fursad uu ku noqdo mid waxbadan kusoo kordhin kara qeybta daafaca ee kooxda hadii uu ku guuleeysto in 28 jirkan uu kasoo dajiyo garoonka Old Trafford.

Hadaba warsidaha “Mole Sports” ayaa sadaaliyay sida ay noqon doono shaxda Manchester United haddii ay awoodaan inay lasoo wareegaan Koulibaly.

Gool FM.

Related Posts