DDS

Toga Jigjiga oo xaafadaha qaarkooda dhib ku haya.

Toga weyn ee mara badhtamaha magaalada Jigjiga ayaa dadka ku dhaqan agagarkiisa waxa ay ka cabanayaan in uu dhibtaao weyn ku hayo xiliyada roobku da’ayo.Gudoomiyaha xaafada 5aad oo arintaas ka hadlaayey ayaa sheegey in ay jirto dhibaatadaas ay dadku ka cabanayaan, waxnay ay ka qaban doonaan, waxaa kale oo uu intaas ku darey in biyo badan oo meelo kale duwan isaga yimaadaa toga ku soo wada darsamaan.Dhinaciisa duqa magaalada Jigjiga Cabdifataax ibraahim ayaa sheegey in horey loo qorsheeyey in toga la dheereeyo si biyaha marayaa u dhaafaan magaalada, hadana waxaa socata ayuu yidhi qorshayaan kale oo la rabo biyaha qaarkood in meelo kale loo leexiyo si loo yareeyo biyaha faraha badan ee tiga maraya.

Related Posts