Cayaaraha

Wasaaradda Caafimaadka dalka Spain oo xiddigaha xulka qaranka dalkaas siisay amar caafimaadkooda la xiriira kahor bilaabashada Euro 2020

(Madrid) 10 Juun 2021. Labo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Spain ayaa toddobaadkan laga helay xanuunka Korona Fayras waxaana taasi ay keentay walaac hor leh oo soo food saaray xiriirka kubadda cagta Spain iyo dowladda dalkaas kaasoo ku aaddan saameynta ay xaaladdan ku yeelaneyso xiddigaha xulka u matalaya tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Xiddigaha uu hoggaaminayo Macallin Luis Enrique ayaa tababarka u sameynaya si gaar-gaar ah kaddib markii xanuunka Koofid19 laga helay Sergio Busquets iyo Diego Llorente inkastoo tijaabadii ugu dambeysay ee ay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka mareen laga waayay qof qaba xanuunka, waxaana taasi ay keentay in Wasaaradda Caafimaadka dalka Spain ay ku amarto xiddigaha dalkeeda u matalaya tartanka xulalka Yurub inay qaataan talaalka Korona.

Spain ayaa ku qasbanaatay inay kulankii Lithuania ku wajahdo kooxdeeda 21-sano jirrada kuwaasoo 4-0 ku adkaaday.

Wargeyska ESPN ayaa sheegay in go’aanka ay wasaaraddu qaadatay uu ku yimid cadaadis kaga yimid xiriirka kubadda cagta Spain, balse wali lama xaqiijin tirada cirbadaha iyo qaabka ay u qaadanayaan xiddigaha xulka qaranka Spain talaalka ay wasaaraddu amartay inay qaataan.

Safka La Roja ayaa haatan ku jira karaantiil ilaa isu diyaarinta ciyaarta ugu horreysa ee Isniinta dhaceyso, waana suuro gal inay kiisas hor leh soo kordhaan, sidaas darteed, waxaa UEFA ay xulkan u ogolaatay inay safkooda wax ka baddeli karaan ilaa ciyaarta ugu horreyso ee tartanka Euro 2020.

Dhinaca kale, xiddigaha kala ah Kepa Arrizabalaga, Raul Albiol, Brais Mendez, Pablo Fornals, Rodrigo Moreno iyo Carlos Soler ayaa qaybta heeganka loogu yeeray kuwaasoo haatan tababar gaar-gaar ah ku sameynaya caasimadda, halka sidoo kale xiriirka kubadda cagta Spain uu ku wargeliyay xiddigaha 21-jirrada inay Madrid baaqi ku sii ahaadaan ilaa iyo amar dambe.

Spain ayaa ciyaarta ugu horreysa ee tartanka Euro 2020 la balansan xulka Sweden, Poland iyo Slovakia kulammada guruubka E.

Gool FM.

Related Posts