Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo u hambalyeeyay ciidamo ka tirsan Xoogga oo ku guuleystay abaalmarinno

La wadaag cid kale





Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan ciidamadu ay u geysteen kooxaha argagixisadda  oo weeraro fulaynimo ah ku soo qaaday qaadeen  Aw-dheegle iyo Bariire.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo Dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda ,dalkooda iyo diintooda

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo   iyo Raysal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  Sida ay ugu go’antahay Dib-u-dhiska ,Tayeeynta iyo dhiiragalinta  CXDS.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaalo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS oo wada qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo argagixisadda.

 

 

La wadaag cid kale





Related Posts