Soomaaliya

Wasiiru-Dawlaha Ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada Ganacsiga ee Habka Online ah “SAWIRRO”

La wadaag cid kale





Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xuukumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta soo xirtay shir muddooyinkii dambe ka socday Muqdisho oo hor-dhac u ahaa daah-furka barnaamijka casriyeynta diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada Ganacsiga ee Habka Online ah oo Wasaaraddu la yeelanaysay hay’adaha kala duwan ee Federaalka, dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada, Saxaafadda iyo weliba hay’adaha Caalamiga ah taasi oo looggu soo bandhigaayey habka uu u shaqeeyo barnaamijkani.

Kulanka xidhitaanka oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Madaxda hay’addaha World Bank Africa IFC – International Finance Corporation SomaliaMPFII iyo SomaliaPSDTF, waxaana kulanka maanta oo la la yeeshay guud ahaan hay’addaha Caalamiga ah looggu soo bandhigay habka uu u shaqeynaayo barnaamijka Online ah ee diiwaan-gelinta Ganacsiga oo muhiimad gaar ah u leh fududeynta iyo horumarinta Ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga.

Barnaamijkan ayaa ah Website ay Ganacsatada si Online ah uga soo dalban karaan shatiyadooda Ganacsi, iyaga oo jooga xafiisyadooda, waxaana barnaamijkan maal-gelinaya Bangiga Adduunka halka sidoo kalene ay fududeysay hay’adda IFC.

 

La wadaag cid kale





Related Posts