DDS

Xoriyada waxaa u baahan cid walba.

Xoriyadu waa arin ama shay qaali ah oo Ilaahay siiyo makhluuqaadkiisa dhamaan,una damaanad qaadey waxaanu Ilaahay u saamaxey xoriyad cid kasta oo adoomihiisa kala duwan ah, xataa wuxuu fursada u dadka in ay kala doortaan waxa ay rumeynayaan, oo khasab ma ah in uu qofku diin ama iimaan ku raaco.

Mar hadii aad taasi jirto waxaa looga baahan yahay qawaaniinta iyo xeerarka ay bani aadamku dhigtaan ee ay isku xukumaan in ay ahaadaan kuwo ku qotoma oo ilaalinaya xoriyada qofka, iyo dhamaan baabhiyaha aas -aasiga ah ee dadku u baahan yahay.

Waxaa ka mid ah xoriyadaha Ilaahay dadka siiyey ee aaney ahayn in cidi gorgortan galiso ama laga hor joogsato, in qofku cabiro ra’iyigiisa, in uu noolaado, in uu helo meel uu dego iyo in uu haysto waxyaabaha nolosha aas-aasiga u ah.

Mar hadii waxyaabahaas iyo kuwo kaleba aan hayso, oo Ilaahay dhibkii, adoonsigii iyo kadeedkiiba inaga dul qaadey waxaa waajib ah in aan Ilaahay ku mahadino, misla markaana wax kasta oo wanaag ah aan ku garab istaagno xukuumadeena, wixii ay gaftana aan tilmaano.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in aan dawlada waxyaabaha aan ka dalbaneyno u bataan waxyaabaha horu marku ku xidhan yahay sida horu marinta caafimaadka, jidadka, biyaha, iskuulada nadaafada iwm, maxaa yeeley waa waxa aan dhamaan ka wada faa’iideyno oo kuligeen u baahanahey.

waxaa iyaduna iman karta in baahida qof ama danta gaarka ah la gaadhi karo, oo la buuxin karo waayo waxa ay ku jirtaa baahida guud ama wa qayb ka mid ah.

Related Posts