Cayaaraha

Xulka qaranka Netherlands oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka EURO 2020 kaddib markii uu garaacay Austria…+SAWIRRO

(Amsterdam) 17 Juun 2021. Xulka qaranka Netherlands ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii uu ku garaacay dhigiisa Austria 2-0, kulan qeyb ka ahaa Group C.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay Xulka qaranka Holland.

Daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta xulka Holland ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Memphis Depay, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaaminayeen wiilasha Netherlands.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

52 daqiiqo marka dheesha mareysay Denzel Dumfries oo caawin ka helay saaxiibkiis Donyell Malen ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 uu ku hoggaaminyay xulka qaranka Holland.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaantay 2-0 uu kaga adkaaday Xulka qaranka Netherlands dhigiisa Austria, xulka Holland ayaa wuxuu sidaas isaga xaaridiyay wareega xiga 16-ka  Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Gool FM.

Related Posts