Cayaaraha

Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Valencia… (Miyuu ku jiraa Casemiro?)

(Madrid) 14 Dis 2019. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe kula ciyaari doonaan naadiga Valencia.

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa kulanka ay habeen dambe ku booqan doonaan kooxda Valencia garoonka Mestalla, kaasoo ka tirsan kulamada 17-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 19-ka ciyaaryahan uu ula safri doono kulanka Valencia, waxaana lagu arkay ee ku soo baxay xiddiga reer Brazil ee Casemiro, inkastoo haatan loo diiwaan galiyay 4 kaarka jaalaha ah, haddii uu qaato kaarka jaalaha kulanka habeen dambe waxay ka dhigan tahay inuu seegi doono kulanka El Clasico ee Arbacada.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Valencia:

Gool FM.

Related Posts